Laba milyan oo qof oo ku barakacay colaadda Gaza

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ku dhawaad laba milyan oo qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Marinka Gaza ay hadda barakac uga maqan yihiin guryahooda.

Iskuduwaha Gargaarka Bani’aadantinimada Qaramada Midoobey ee Gaza, Sigrid Kaag ayaa sheegtay in weerarada Ciidamada Israel ay ku barakaciyeen in ka badan 1.9 milyan oo ka mid ah dadka reer Gaza, oo tiradooda lagu qiyaaso 2.3 milyan oo qof.

Sigrid Kaag ayaa sheegtay in weerarada joogtada ah ee Ciidamada Israel ay dad fara-badan ku khasbeen in maanta ay bannaanada ka joogaan guryahooda.

Waxay sheegtay in Israel ay xilligan barakacin kale oo khasab ah ka waddo deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo dadkii ku noollaa ay bilaabeen in ay ka cararaan, ka dib amarkii Israel ee la xiriiray in shacabku ay banneeyaan iyo duqaymihii xigay ee ay ciidamadeeda ka bilaabeen Khan Yunis.

Wareeggan kale ee barakacinta ayaa dhibaato ku ah dadka rayidka ah ee wajahaya gacanta adag ee Ciidamada Israel ee leh dilka, gaajeysiinta iyo hoy la’aanta.

Iyadoo dadkan inta badan guryahoodii la burburiyay ayaa waxay haddana ku dhegan yihiin sharaftooda, iyagoo wajahaya xaalad bani’aadantinimo tii ugu adkeyd, sida ay sheegtay Sigrid Kaag.

Sigrid Kaag ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sii deynta dhammaan la haysteyaasha iyo in aan la xanibin kaalmada bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza.

“Dagaalka ka socda Gaza keliya ma abuurin xasaradaha bani’aadantinimo ee ugu qotada dheer ee waxa uu dhaliyay masiibo bani’aadantinimo. Nidaamkii caafimaadka ayaa dumay, dugsiyadii iyo nidaamkii waxbarasho ayaa burburay. Tani waxay halis gelineysaa jiilasha mustaqbalka.” Ayay tiri Sigrid Kaag, Iskuduwaha Gargaarka Bani’aadantinimada Qaramada Midoobey ee Gaza.

“Adeegyadii bulshada oo dhan ayaa burburay. Shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka waa in dhammaan la ixtiraamaa.” Ayay tiri haweeneydan oo intaasi ku dartay “Ilaalinta rayidka ayaa ah mudnaanta ugu weyn. UNRWA waa in loo ogolaadaa inay gudato waajibaadkii loo igmaday.”

Haweeneydan oo Talaadadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uga warbixineysay xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza ayaa sheegtay in loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah, oo dunida ay wax kaga qabaneyso masiibadan bani’aadantinimo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayay ku boorisay inay riixaan, sidii uu u shaqayn lahaa qaraarkii ay horey uga soo saareen in la dardargeliyo gargaarka la gaarsiinayo dadka reer Gaza, iyadoo aysan wax carqaladeyn ah jirin.

Dadka reer Gaza ayaa la ildaran cunto xumo, biyo, dawo iyo shidaal la’aan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa ku celcelisay in duulaanka Israel uu halis dhab ah ku yahay nolosha 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza.

Caalamka ayaa diidan qaabka ay Israel u waddo dagaalkeedan, oo dhibka ugu badani uu ka soo gaarayo shacabka aan hubeysneyn.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in hooyooyin iyo dhallaan ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalkan.

Ku dhawaad 38 kun oo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay muddada uu socdo dagaalkan, in ka badan 87 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in inta badan dadkan ay yihiin dumar iyo carruur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker