Trump: ‘Maalin weyn oo dimuqraadiyadeed ayay u tahay Maraykanka’

Inyar kadib markii Trump lagu dhawaaqay go’aanka ah in uu leeyahay xasaanad Madaxweyne, wuxuu si toos ah u soo abbaaray baraha bulshada xilli u uku doodayo ‘in ay tahay maalin weyn oo dimuqraaddiyadda America ah’

Joe Biden ayaa ku tilmaamay “tusaale khatar ah” go’aan ka ka soo baxay maxkamadda sare, kaas oo siinaya madaxweynihii hore ee Donald Trump qayb ka mid ah ‘xasaanadda dacwad oogista’ sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha hadda ee Maraykanka ayaa sheegay in xukunku uu meesha ka saarayo “sharciga” isla markaana uu yahay “waxyeello xun” oo loo geystay dimuqraaddiyaddii Maraykanka.

Xukunka ayaa dib u dhigi doona kiis dambiyeedka ka dhanka ah Trump ee lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu carqaladeeyo natiijada doorashada 2020 ee guusha siisay Mr Biden.

Taas oo ka dhigan, in doorashada November ka bacdi uun hawlaha qabyada la geli doono, xilli markii hore la filayey in go’aankaasi uu noqon karo mid seejin kara in uu tartamo doorashada soo aaddan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker