Kenya: ‘Mudaharaaddada maanta ciidan ma geyn doono waddooyinka’

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday in ciidamada ay ka ilaalin doonaan waddooyinka haddii mudaaharaadyada la qorsheeyay toddobaadkan, ay u dhacaan si nabad ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan ciidan gayn doonin habkii dawladdu u waajahaday muddaharaadadii hore, kuwaas oo ay dad badan aaminsanaayeen in uu ahaa qaab laga maarmi karayey, wixii dhacay toddobaadkii hore.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa iyanaa ka warbixinaya in 39 qof lagu dilay rabshadahaas.

Wareysi uu siiyay TV-yada gudaha Axadii, Mr Ruto waxa uu sheegay in dowladiisa ay u baahan doonto inay amaahato $7.6bn oo dheeri ah sanadka soo socda si ay u daboosho khasaaraha ka dhashay canshuuraha cusub ee laga jaray hindise sharciyeedkiisa maaliyadeed ee dadku ku kaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker