Soo galootigii Faransiiska oo Godkooda Biyo ugu galeen

Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday wareega koowaad ee doorashada baarlamaaniga dalka Faransiiska ee dhacday Axaddii shalay ayaa muujineysa, in uu ku guuleystay xisbiga midigta fog ee RN ee ay hogaamiso haweeneyda mayalka adag Marine Le Pen.

Inkasta oo natiijada rasmiga ah ay ku xirnaan doonto maxsuulka wareegga labaad ee doorashadan oo la qaban doono todobaadka danbe, ayaa haddana sida ay warbaahinta maxalliga ah ee Faransiiska iyo kuwa caalamiga ahba ay ku warramayaan, in xisbiga RN uu doorashadi shalay ka helay codad dhan boqolkiiba 34.
Tani ayaa dhabarjab weyn oo siyaasadeed ku ah madaxweyne Emmanuel Macron oo horraantii bishaan iclaamiyay doorashadan laga soo hormariyay waqtigeedii caadiga ahaa, kaddib jabki dharbaaxadi xisbigiisa kasoo gaartay doorashadii Baarlamaanka Yurub.

Isbaheysiga Wadajirka ee uu qeybta ka yahay xisbiga madaxweyne Macron ayaa lagu wadaa in doorashadi shalay ay ka helaan codad dhan 20.5% ilaa 23%. Isbaheysiga NFP ee dhinaca bidixda ayaa iyaguna doorashada ka helay codad dhan 29% sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Sida la saadaalinayo, xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso Marine La Pen ayaa la filayaa in doorashada todobaadka danbe ee wareegga labaad uguna danbeeya uu guulo kale ka keeno.
Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay, in La Pen ay awoodi doonto in ay xukuumad soo dhisto, haddii ay heshiis awood qeybsi ah la gaarto mid ka mid ah axsaabta kale.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Faransiiska ee Paris, si ay uga mudaaharaadaan markii wareegii koowaad ee doorashada guud ee degdega ah ay u muuqato mid xisbiga midigta fog siinaysa gacan sarrayn la taaban karo.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Gabriel Attal, ayaa ka digay in xisbiga Rally – oo ay hogaamiso Marine Le Pen – uu taagan yahay “albaabadii laga soo geli lahaa awoodda” ayna tahay in laga shaqeeyo in hor tago.
Waxa uu ugu baaqay codbixiyayaasha dalkaas in ay wareegga labaad siinnin gabadhan iyo xisbigeeda wax cod ah. Wareegga labaad ayaa la codayn doonaaa axadda.

Haddii xisbigan National Rally oo ku guulaysto doorashadan, madaxweyne Macron, waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu la shaqeeyo dawlad ay wadaag ku yihiin midigta fog saddexda sano ee ka hadhsan mudda xileedkiisa.
Xisbiyada Midigta fog ayaa u daran dadka soo galootiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker