Weerarro is qarxin ah oo mar kaliya lagu qaaday xaflad meher, aas iyo isbitaal

Ugu yaraan 18 qof ayaa lagu dilay, 30 kalena waa lagu dhaawacay qaraxyo ka dhacay gobolka waqooyiga Nigeria ku yaala ee Borno, sida saraakiisha wadankaasi sheegeen.

Mid kamid ah qaraxyada ayaa la soo weriyay in uu ku dilay lix qof, kuna dhaawacay tiro kale xaflad meher oo dhacaysay Sabtidii.

Hay’adda gurmadka degdegga ah ayaa sheegtay in qaraxyo loo malaynayo is qarxin lagu bartilmaameedsaday xaflad meher, aas iyo isbitaal ku yaala magaalada Gwoza.

Gobolka Borno ayaa ubuc u ahaa kacdoonka 15 sano jirsaday ee kooxda Boko Xaram, kaas oo ay ku barakaceen dad ka badan labo milyan oo qof, ayna ku dhinteen tiro ka badan 40,000 oo qof.

Boko Xaram ayaa indhaha caalamka soo jiidatay 2014-kii markii ay afduubteen gabdho iskuul ka badan 270 magaalada Chibok, oo iyana ka tirsan gobolka Borno.

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegaya in dhimashada 18 qof la xaqiijiyay Sabtidii, waxana dadka dhintay ay isugu jiraan caruur, dad waaweyn iyo haween uur leh.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha ayaa soo weriyay in tirada dhimashadu ay intaa ka badan tahay, waxayna soo sheegayaan geerida 30 qof oo ku dhintay qaraxyada.

Milatariga ayaa bandow ku soo rogay magaalada.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarradan.

Magaalada Gwoza waxay Boko Xaram qabsadeen 2014-kii, waxayna ciidamada Nigeria dib uga saareen 2015-kii – laakiin kooxda ayaa sii waday tan iyo waqtigaasi weerarro iyo afduub ay ka gaysanayaan deegaannada ku dhaw magaalada.

Bishii Noofeembar ee sanad kii hore 20 qof ayay kooxdan falaagada ah ee Boko Xaram ku dileen, iyagoo ka soo laabtay aas ka dhacayay gobolka kale ee dariska la ah ee Yobe.

Qaraxyadan u dambeeyay ayaa dhacay maalin uun kaddib markii xagjiriinta Boko Xaram ay dileen 17 qof, markaas oo ay weerar ku qaadeen tuulada Gurokayeya, dhacdadan ayaa dabo joogtay kaddib markii dadka tuulada degan ay diideen in ay kooxda siiyaan cunshuur ay sheegeen in laga qaadayo xoolahooda, sida boolisku sheegay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker