Xaruumaha muhiimka ah ee dowladda Kenya oo ciidamo loo daad gureyay xillli ay dhacayaan mudaharaadyo maanta

Mudaaharaadyo kale oo looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda 2024-ka ayaa la filayaa in maanta oo Talaado ah ay ka dhacaan guud ahaan dalka Kenya.Qaban qaabiyaasha mudaaharaadka oo ah dhalinyaro ayaa ku baaqay in in ka badan hal milyan oo qof ay ka soo qeyb galaan bannaanbaxyada.

Mudaharaadkan oo loogu magacdaray “Bishii Diidmada-Maaliyadda ee Kenya 2024,” ayaa sii xoogaysanayay maalmihii la soo dhaafay, waxaana uu kumanaan dad ah isugu soo baxayeen waddooyinka todobaadkii hore si ay u muujiyaan diidmadooda.

Baarlamaanka ayaa sharcigaani horyaallaa hadda waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan.Sharcigan ayaa todobaadkii hore gudbay wareeggii labaad kadib markii 204 mudane ay taageereen halka 115 ay kasoo horjeesteen. Intaasi ka dib waxaa loo gudbi doonaa wajigii saddexaad ee Baarlamaanka oo wax ka bedel cusub lagu sameyn doono.

Dibad-baxayaasha ayaa ku doodaya in qorshaha canshuur ururinta ee lagu soo jeediyay hindise sharciyeedka uu uga sii dari doono dhaqaale xumo soo wajahda dadka caadiga ah ee Kenyaanka ah.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka agagaaraha xarumaha muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan magaalada Nairobi.Laamaha ammaanka ayaa heegan buuxa la galiyay, iyadoo ciidamo badan la geeyay xaruumaha dowladda si ay u xakameeyaan dadka faraha badan ee la filayo in ay isku soo baxaan.

Iskuullada ayaa xiran waxaana sidoo kale aan jirin dhaqdhaqaaq badan oo ganacsi, iyadoo dadku intooda badan ay guryaha ku suganyihiin.

Wasiirka amniga gudaha Kindiki Kithure ayaa ka digay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu weeraro xafiisyada dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker