Dowladda Cuba oo ku biireysa dacwadda caalamiga ee ka dhanka ah Israel

Dowladda Cuba ayaa noqotay dowladdii ugu dambeysay ee shaaciso inay ku biireyso dacwadda Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israel ee ka furan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ.

Koonfur Afrika ayaa horey Maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwad la xiriirta in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza. Pretoria ayaa Tel Aviv ku eedeysay inay ku xadgudbeyso waajibaadka ka saaran axdiga mamnuucaya xasuuqa. Axdiga ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa waxaa ansixiyay 153 dalka, iyadoo Koonfur Afrika iyo Israel ay ka mid yihiin dalalka saxiixay axdigaasi.

Raadiyaha Havana Cuba oo ku hadlo afka dowladda dalkaasi ayaa baahiyay in Xukuumadda Havana ay ku biireyso dacwadda ka dhanka ah Israel ee ku aaddan xasuuqa ay ka waddo Marinka

“Iyadoo la raacayo waajibaadka ka saaran heshiiska ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa, Cuba waxay adeegsan doontaa xaqa ay u leedahay dal saddexaad oo ay ku soo bandhigto fasiraadda heshiiskaas.” Ayaa lagu yiri war uu baahiyay raadiyahaasi.

Raadiyaha ayaa ku waramaya in Dowladda Cuba ay aad uga xun tahay, sida bareerka ah ee ay Israel ugu xadgudubto shuruucda caalamiga ah, marka aad eegto dembiyada dagaal ee ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Sida uu raadiyuhu sheegay, Cuba ayaa dooneysa in kiiskan lagu joojiyo gumaadka ka soconaya Marinka Gaza, sababtoo ah awood la’aanta Falastiiniyiinta iyo awoodaha aan loo meel dayin ee ay Israel ku wajaheyso dadka reer Gaza iyo sharci darrada ay ku haysato dhulka kale ee Falastiiniyiinta.

Dhanka kale Maamulka Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Cuba ay ugu biireyso dacwadda Koonfur Afrika ee Israel kaga furan Maxkamadda ICJ.

“Wasaaraddu waxay xaqiijineysaa in go’aankani uu tusaale u yahay, sida ay Cuba uga go’an tahay caddaaladda iyo sharciga caalamiga ah, waxayna hoosta ka xariiqday wadajirka qotoda dheer iyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeeya quruumahayaga.” Ayay bayaan ku sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan dowladaha qaybta ka ah Axdiga Geneva in ay si firfircoon uga qayb qaataan dacwadaha horyaalla bay tiri maxkamadda.

“Joojinta xasuuqa joogtada ah ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin iyo la dagaalanka isla xisaabtan la’aanta Israel, waa masuuliyad ay tahay in aan si wadajir ah ugu garab istaagno danta aadanaha iyo sharciga.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Dilka iyo gaajeysiinta ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa ah dembiyo dagaal, waxayna dhalisay carro caalami ah.

Dunida oo halmeel kaga soo wada jeedsato Israel ayaa ka dhigeysa dowlad go’doon ah, waana waxa ugu yar ee ay maanta bulshada caalamka ku ciqaabi karto nidaamka gumeysiga iyo wax maquuninta ku dhisan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker