Dowladda Belgium oo sheegtay inay waajib tahay in la joojiyo dagaalka Gaza

Dowladda Belgium-ka ayaa cambaareysay dilalka sii kordhaya ee ay Ciidamada Israel u gaysanayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Belgium-ka, Hadja Lahbib ayaa sheegtay inaanan la aqbali karin dadka faraha badan ee ku dhimanaya weerarada Ciidamada Israel.

Waxay sheegtay inay waajib tahay in la joojiyo dagaalka nafaha badan galaafanaya ee ka sii soconaya Marinka Gaza.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, waxaana ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay u gogol-xaaraan waddada nabadda.” Ayay tiri Hadja Lahbib.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayay Ciidamada Israel 101 qof oo shacab ah ay ku dileen Marinka Gaza, ka dib duqaymo ay diyaaradahooda dagaalka ka gaysteen goobo kala duwan.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Belgium-ka haweeneyda lagu magacaabo Petra De Sutter ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay ka argagaxday weerarada ay ku la’anayaan dadka aan waxba galabsan.

Petra De Sutter ayaa sheegtay in dilka aan loo meel dayin ee loo gaysanayo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan carruurta ay liddi ku yihiin xeerarka caalamiga ah, waxayna si xun u jebinayaan bay tiri amarkii Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ, ee ahaa in la joojiyo weerarada lagu hayo dadka rayidka ah.

“Waa inaan si buuxda u joojinaa dembiyadan dagaal.” Ayay tiri Petra De Sutter.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan wararka saacadba saacadda ka dambeysa ka imanaya Marinka Gaza ee la xiriira kororka dhimashada iyo dhaawaca ee dadka u badan dumarka iyo carruurta.

Taliska Militariga Israel oo ku andacoonaya in ciidamadooda ay la dagaalamayaan Xoogaga Xamaas iyo kooxaha kale ee wax iska caabinta ayaa waxaa muuqata inay si ula kac ah u beegsadaan dadka rayidka ah. Tani ayay ku qarinayaan khasaaraha ciidamadooda ka soo gaaraya meedaanka dagaalka.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay ugu yaraan 37,551 qof, halka in ku dhow 86,000 oo kalena ay ku dhaawaceen.

Ku xadgudubka joogtada ah Israel ee shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka ayaa ah tan ugu wacan in ciidamadeeda ay si naxariis darro ah dadka ugu laayaan goobaha loo asteeyay aagagga bani’aadantinimo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker