Xafiiska xuquuqul insaanka ee QM oo ka hadlay duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza “laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.”

Warbixin uu Arbacadi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux.

Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza.

Madaxa xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM Volker Türk ayaa sheegay in ay u muuqatay in Israa’iil aysan samayn isku day ah in ay si wax ku ool ah u kala soocado rayidka Falastiiniyiinta iyo dagaalyahanada Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker