Shaqsiyaad ka tirsan Ciidanka Soomaaliya oo loo xidhay dhac ay dad shacab ah u gaysteen

aliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad qaarkood ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga, oo dhac iyo dhibaatooyin kala duwan ku hayay bulshada ku nool  qaybo ka mid ah Caasimadda.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane, kuwaasi oo la baahiyay Sawiradooda iyo magacyadooda, waxaana lagu soo qabtay howgal qorsheysan oo Ciidanka Booliska ay fuliyeen.

Eedaysanayaasha ayaa loo haystaa falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale eedaysanayaasha Qaarkood ayaa ayaa Boolisku sheegeen in horay ay kaga tirsaayeen Ciidanka Xoogga, halka qaar kalena lagu sheegay inay yihiin Burcad dilal, dhac iyo dhibaatooyin kale ku hayay bulshada Caasimadda.

“Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker