Putin iyo Kim Jong Un oo heshiis kala saxiixday

Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa ku warrameysa in labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran.

Arrintan ayaa uu hore u tibaaxay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo Putin ah.

Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay ma cadda. Balse warbaahinta ayaa isku deyeysa in ay xog ka hesho faahfaahinta heshiiskan.

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan qaatay laba saacadood sida ay baahinayso warbaahinta Reuters. Halka weftigoodii kale ay qaateen kulammo gaargaar ah oo soconayey saacad iyo badh.

Kulanka labadan hoggaamiye iyo saaxiibtinnimada dhaw ee dhexmaraysa labadan dal ayaa badanka waddammada reer Galbeedku aad uga walaacsan yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker