Baadhitaan lagu ogaaday in dagaallada socdaa dumarka iyo carruurta u daran yihiin.

Tirakoobyada Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa muujinaya in dagaallada caalamka ka socday lagu dilay saddex laab in ka badan carruurtii lagu dilay dagaalladii sannadkii 2023, iyo sida oo kale laba jibbaar in ka badan dumarkii ay dagaalladu saameeyeen sannadkii hore.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah uga digay xaaladda Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus oo uu sheegay ay aad uga sii darayso.

Volker Turk ayaa sheegay in in ka badan shan boqol oo falastiiniyiin ah ay dileen askarta Israel tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii October.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan duqeymo aan qorshe lahayn oo qaza ka socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker