Faah faahin: Duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

War lagu baahiyay Warbaahinta Ciidamada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe fuliyeen howgalkaasi.

Howlgal oo ahaa sida la sheegay mid qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa si gaar ah waxaa looga  fuliyay inta u dhaxeysa Mesagawey iyo Baraag Sheikh Caamir oo ka tirsan Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dilay in ka badan 21 ruux oo AS ah, waxaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay warbaahinta Ciidamada Dowladda.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaana xalay saqdii dhaxe fuliyay Diyaaradaha dagaalka, waxaana si gaar ah loo beegsaday goob ay maalmihii la soo dhaafay AS isku uruursanayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker