Sacuudiga oo xidhay koox lagu eedeeyay iibinta kaararka aqoonsiga Xajka oo been-abuur ah

Ugu yaraan 14 qof oo u dhashay waddamada Hindiya, Masar, Pakistan iyo Indonesia ayaa lagu xiran boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah, sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Insde Haram.

Ciidamada ilaalada goobaha barakeysan ayaa soo xiran shakhsiyaadkan lagu eedeeyay iibinta kaaararka been abuurka ah, iyada oo sheegay inay Sacuudiga ku joogeen dal-ku-gal booqasho.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in shakhsiyaadka lagu qabto musuqmaasuqa Xajka ay muteysan doonaan xarig, musaafurin, ganaax lacageed, maxkamadeyn iyo la wareegid hantidooda.
Ilaalada Xujeyda ayaa sidoo kale ka digtay in xujeydu ay ka socdaan iyada oo aan wadan aqoosigooda.

Ilaa hadda, in ka badan 1.3 milyan oo Xujey ah ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker