Markab ku xadgudbay go’doominta lagu hayo Dekedaha Israel oo burbur loo gaystay

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa la sheegaya in ay jug culus gaarsiiyeen markabka dhuxusha qaada ee Tutor, xilli uu marayay Badda Cas.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii sheegay in markabka uu si qarsoodi ah ugu sii jeeday Dekedaha Israel, isla-markaana uu ku xadgudbay go’doominta ay ku hayaan dekedahaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay weerarka markabkaasi u adeegsadeen gantaalaha ballaastikada, diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya iyo weliba doon lagu soo raray walxaha qarxa.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in waxyeelada ay gaarsiiyeen markabkaasi awgeed uu halis ugu jiro inuu deggo amaba qaraqmo.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in markabkan lagu weeraray meel u dhow Dekedda Hudaydah, isla-markaana uu u baahan yahay samatabixin degdeg ah.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Xuuthiyiinta Yemen ay bartilmaameedsadeen markabkaaasi, isla-markaana uu burbur ba’an ka soo gaaray qaybta motoorka.

Taliska CENTCOM ayaa sheegay inay markii ugu horreysay noqoneyso in Xuuthiyiinta Yemen ay gaystaan weerar ay u adeegsadeen dooni aanay cidina wadin, si guul lehna ay u beegsadaan hadafkoodii bartilmaameedka. Markabkan ayaana laga leeyahay dalka Giriiga.

Xoogaga Xuuthiyiinta oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa bishii November bilaabay in ay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda.

Xuuthiyiinta ayaa xilligaasi soo saaray awaamiir ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel, ayna ku sheegayaan in maraakiibta ganacsiga caalamiga ah aysan la macaamili karin maamulkaasi, haddii kalena ay bartilmaameed noqon doonaan, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa ku dhawaaqay amarka lagu go’doominayo Dekedaha Israel, shirkadaha maraakiibtana loogu sheegayo inaysan wax la macaamili ah la yeelan karin, illaa iyo inta Tel Aviv ay weerarada naxariis darrada ah ka waddo Marinka Gaza.

Inta badan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa u hoggaansamay awaamiirta Xuuthiyiinta, balse mararka qaarkood maraakiibta laga leeyahay dalalka xulafada la ah Israel ayaa isku daya inay si qarsoodi ah ku taggaan dekedaheeda, waana sababta loo beegsaday markabkan ugu dambeeyay ee laga leeyahay dalkaasi Giriiga.

Taageerada xoogan ee dhidibka wax iska caabinta u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta ayaa ah tan ugu weyn ee ay maanta haystaan dadka reer Gaza, marka ay noqoto baahida ay u qabaan in laga qabto, lagana caabiyo cadowga sida waxashnimada ah u leynaya.

Dhidibka wax iska caabinta ayaa loo yaqaanaa ururada hubeysan ee Iran taageerto ee ka jira gobolka, gaar ahaan dalalka Yemen, Lubnaan, Ciraaq iyo Suuriya.

Xuuthiyiinta Yemen iyo Xisbullahi-da Lubnaan waa labada garab ugu weyn ee maanta gilgilaya Israel, caqabadana ku noqday amnigeedii iyo dhaqaalaheediiba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker