𝗦𝘂𝗰𝘂𝘂𝗱𝗶 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝗶𝘆𝗮 𝗼𝗼 𝗦𝗼𝗼 𝗔𝗳𝗷𝗮𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝟱𝟬-𝗦𝗮𝗻𝗼 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗲𝗲𝗻 𝗠𝗮𝗿𝗮𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮.

Sucuudiga ayaa soo gaba gabeeyey heshiiskii petrodollar oo mudo 50-sanno ah uu kula jirtay Maraykanka, waxa uuna go’aansaday in aan la cusbooneysiinin heshiiskan gaarka ah.
Wixii hadda ka dambeeya, Sucuudigu waxay ku iibin doontaa saliidda lacagaha kala duwan ee caalamka, oo ay ka mid yihiin RMB Shiinaha, Yuuro, Yen, iyo Yuan, iyo doolarka Maraykankaba.
Tallaabadan istiraatiijiyadeed waxay calaamad u tahay isbeddel weyn oo laga yaabo in uu saameeyo suuqyada caalamiga ah ee maaliyadda iyo tamarta.
𝗠𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗬𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗛𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗣𝗲𝘁𝗿𝗼𝗱𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿?
Heshiiska petrodollar waa heshiis dhaqaale oo muhiim ah oo dhexmaray Sucuudiga iyo Maraykanka sannadkii 1970-meeyadii. Heshiiskan wuxuu dhigayay in Sucuudigu ku iibiyo saliidda uu soo saaro lacagta doolarka Maraykanka oo kaliya, halkii ay ka isticmaali lahayd lacagaha kale ee caalamiga ah.
Sidoo kale heshiiska petrodollar waxaa ka mid ahaa in Sacudi Carabiya faa’iidooyinka ay ka hesho iibinka saliidda ay ku keydsato bangiyada Maraykanka iyo inay sidoo kale ku maalgashato hantida Maraykanka. Tani waxay ahayd arrin muhiim ah oo Maraykanku faa’iido wayn ku qabay.
Waxay ka faa’iideysan jirtay kaydinta doolarka ee Sacudi Carabiya iyada oo kor u qaadaysay dalabka doolarka, taasoo keentay in doolarku noqdo lacagta ugu muhiimsan ee caalamiga.
Waxaa sidoo kale kordhay maalgelinta tooska ah ee dhaqaale Maraykanka, taasoo ka caawisay in uu xoogaysato dhaqaalaha iyo suuqa maaliyadda ee Maraykanka.
Nidaamkan ayaa sidoo kale ka caawiyay Maraykanka in uu sii xajisto doorkiisa hoggaamineed ee dhaqaale ee caalamka, iyadoo doolarka Mareykanku uu ahaa lacagta ugu muhiimsan ee ganacsiga iyo kaydinta caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker