Xamaas iyo Islamic Jihaad oo ugu dambayn soo gudbiyay jawaabtooda

Ururada Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha u gudbiyay jawaabtooda ku aaddan qodobada hindisaha xabad joojinta Gaza ee Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu soo bandhigay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhawaan soo bandhigay qorshe saddex weji ka kooban, oo sida uu sheegay horseedaya in la soo afjaro colaadda Marinka Gaza, sii deynta maxaabiista iyo dib-u-dhiska dhulka Falastiiniyiinta ee la burburiyay. Washington oo qaraarka qabyada ah Isniintii horgeysay Golaha Ammaanka ayaa taageero xoog leh ka heshay.

Hoggaamiyeyaasha Xamaas, Ismail Haniyeh iyo Islamic Jihaad, Ziyad Nakhaleh ayaa xalay jawaabtooda u gudbiyay Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ka dib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Magaalada Doha.

“Sidoo kale jawaabteenna waxaan u dirnay Dowladda Masar.” Ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Xamaas iyo Islamic Jihaad.

Labada urur ee ugu weyn kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa ajandahooda ku saleeyay inay doonayaan in si buuxda loo soo afjaro duulaanka Israel ee Marinka Gaza, iyadoo Israel ay ciidamadeeda kala baxeyso.

“Jawaabtu waxay mudnaan siineysaa danaha dadkayaga Falastiiniyiinta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in si buuxda loo joojiyo gardarrada joogtada ah ee lagu hayo Marinka Gaza.” Ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas iyo Islamic Jihaad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada urur ay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobada hindisaha, oo ay ku jirto waqtiga kama dambeysta ah ee xabad joojinta joogtada ah iyo in Ciidamada Israel ay wejiga koowaadba isaga baxaan meelaha ay kaga sugan yihiin Marinka Gaza oo dhan.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Hoggaamiyeyaasha Xamaas iyo Islamic Jihaad ay Raysal Wasaaraha Qatar u caddeeyeen inay taageersan yihiin qaraarkii uu Golaha Ammaanka meelmariyay, ayna la wadaageen aragtidooda ku aaddan, sida ugu habboon ay xabad joojintu ku dhaqangeli karto, iyada oo laga fogaanayo isku dhac ciidan.

Labada nin ayaa la sheegaya inay ka digayaan dhagarta Israel, dibna ay u bilaabi karto dagaalka, inta ciidamadeeda ay ku sugan yihiin taako ka mid ah Marinka Gaza, oo ay ku jirto Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xuduudda Gaza iyo Masar.

Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa xaqiijiyay in ay heleen jawaabta kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, isla-markaana ay dersayaan, iyagoo la kaashanaya Mareykanka, si loo sii wado dadaalada dhexdhexaadinta ee kooxaha Falastiiniyiinta iyo Israel.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay qiimeynayaan jawaabta kooxaha Falastiiniyiinta.

Taageerada xoogan qaraarka ee hay’adda ugu awoodda badan Qaramada Midoobey ayaa Israel iyo Falastiiniyiinta cadaadis dheeraad ah ku saareysa inay aqbalaan soo jeedinta xabad joojinta ee Mareykanka uu horboodayo.

Madaxweyne Biden ayaa qaba in la gaaray waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka lagu riiqmay ee Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker