QM oo u codeysay taageeridda qaraarka Mareykanka ee xabbad-joojinta Gaza

Golaha ammaanka ee QM ayaa u codeeyay taageeridda qorshaha uu Mareykanku wado ee xabbad-joojinta loogu soo dabbaalayo Gaza.

Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah shuruudo la hor dhigayo xabbad joojin buuxda oo dhammeystiran, sii deynta dadka ay heystaan Xamaas, soo celinta meydadka dadkii la heystay iyo is dhaafsiga maxaabiista Falastiiniyiinta.

Ilaa 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan. Ruushka ayaa ka gaabsaday.

Qaraarka ayaa dhigaya in Israa’iil ay aqbashay qaraarka xabbad-joojinta, wuxuuna ugu baaqayaa Xamaas inay sidoo kale aqbasho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker