Doorashada Baarlamaanka Yurub

Codbixiyaasha ilaa 21 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka ayaa maanta oo Axad ah soo gaba gabeyn doona doorashada baarlamaanka Yurub oo socotay saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.

Natiijada kasoo baxdo doorashadan ayaa lagu wadaa in golaha baarlamaanka Yurub ay u jiiddo jihada midigta isla markaana ay ssare u qaaddo tirada dadka aaminsan mabaad’ida waddaniyadda ee qowmiga ah ee reer Yurub.

Doorashadan ayaa qaabeyn doonta sida Midowga Yurub oo ah dallad ay hoos harsadaan ilaa 450 milyan oo ruux, uu u wajahi doono caqabado ay ka mid yihiin Ruushka, loollanka wax soo saarka Shiinaha iyo Mareykanka iyo isbaddalka cimmilada.

Ilaa 400 oo milyan oo qof ayaa cododkooda ka dhiibanaya doorashadan, waxana la filayaa in kooxaha midigta ay guulo kasoo hooyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker