Nin 24 Mobile saacad gudaheed ku dafay iyo wixii uu isticmaalay

Sonny Stringer, oo degan xaafadaIslington, ee waqooyiga London ayaa xaday moobiiladaasi isagoo watay baskiil koronto ku socda oo jaraya xawaare gaadhaya 80 km saacadii sida ay sheegeen booliska London.

Booliska ayaa adeegsaday kamaradaha dariiqyadda ku yaalla si ay ninkaasi u dabagalaan oo u qabtaan.

Ninkan 28 jirka ayaa ka hor qirtay maxakamadda Isleworth Crown Court ee London inuu boobay moobiladaasi oo uu qaatay salaasadii ina dhaaftay

Stringer oo aanay hore boolisku u aqoon ayaa soo galay bartamaha London 26 kiiMarch , boobka iyo tuugnimaddaayuu sameeyey intii u dhaxeeysay 10:00-11:15 subaxnimo

Lyn Newins oo ah sarkaalad booliska u qaabilsan kamaradaha ayaa sheegtay in kamaradaha ay ka arkeen ninkaasi waxaanay tiri, ” kamaradahan kolba dhan ayaanuu jeedin karaa markaas dhinacyo badan ayaanu wax ka arkaynaa…”

Markii boolisku daba galeen ee ay eryadeen ayuu isku dayey inuu baaskiilka ku kaxeeyo halka dadka lugeeyaan oo ay qoys caruur wataa marayeen, lakiin booliska ayaa gacanta ku dhigay isla markaana ku isticmaalay qoriga korontadda ah ee Taser halkaasi oo booliska ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan

Taliyaha saldhiga Rob Atkin ayaa sheegay” booliska qaybahiisa kala duwan ayaa wada shaqeeyey hadday tahay qaybta kamaradaha iyo qaybaha kaleba ee dhulka taagnaa oo si toosa uwada xidhiidhayey, waa guul in ninkii boobay mobiladda maxakmadda la horkeeno oo la xukumo “

Stringer ayaa waxaa kaloo uu qirtay laba danbi oo kale oo ah inuu si khatar dadka galisay baaskiilka u waday iyo inaanu lahayn caymis, 8 August ayuu ogaanayaa inta lagu xukumay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker