Netanyahu oo lagu casuumay Congress-ka Mareykanka

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo fadhi wadajir ah oo Congress-ka Mareykanka ku yeelanayaan magaalada Washington.

Martiqaadkan ayaa ah hindise ay leeyihiin madaxda jamhuuriga, waxaana lagu wadaa in la qabto 24-ka bisha Luulyo.

Xubno badan oo ka tirsan Kongareeska Dimuqraadiga ayaa muujiyay inay qaadacayaan habka uu u socdo barnaamijkan casuumaadda ah.

Laakiin hogaamiyaha sare ee Dimuqraadiga, hogaamiyaha aqlabiyada Senetka Chuck Schumer, ayaa sheegay in inkasta oo uu khilaaf qoto dheer kala dhaxeeyay Netanyahu, uu ku biiray martiqaadka sababtoo ah xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker