Dad ku dhintey duqeyn Israeli ka geysatay dugsi QM ku leedahay Qaza

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku geeriyoodey duqeyn diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dugsi ay maamusho QM oo gabbaad u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugan.

Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey weerarka ay ku qaaddeen dugsiga QM oo ay sheegeen in uu saldhig u ahaa ururka Xamaas.

Wariyeyaal deegaanka ka ag dhow ayaa  sheegay diyaarad ay Isra’il leedahay ay labo gantaal ku dhufatay dabaqa saree e dugsiga oo ku yaal xerada qaxootiga Nuseyraat. Wrbaahinta Xamaas ayaa weerarka lagu beegsaday dugsigan oo hoy u ahaa boqool qoys oo barakacayaal ah ku tilmaantay “xasuuq foolxun”.

Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa dadkii halkaas ku dhaawacmay ula cararay goobaha caafimaadka, halka sawirro laga qaaday goobta la weeraray ay muujinayaan burbur lixaad leh oo soo gaaray dhismaha iyo maydadka maryo lagu duuduubay oo safan.

Ismail al-Thawabta oo agaasime ka ah xafiiska warfaafinta xamaas ayaa been-abuur ku tilmaamay sheegashada Israa’iil ee ah in dugsiga QM uu xarun u ahaa urukooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker