Masar ayaa lagu eedeeyay in ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.

Wargeyska The Jerusalem Post ee ka soo baxa Israel ayaa daabacay maqaal uu ku dhaliilayo mowqifka Masar ee dagaalka Gaza. Inkastoo labada dal uu ka dhexeeyo heshiis nabadeeda hadana wargeyska waxa uu sheegay in Qaahira ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.

Maqaalka waxaa qortay Ruth Wasserman Land oo hore u soo noqotay safiir ku xigeenka Israel ee Masar, waxayna ka tirsan tahay machadka amniga qaranka iyo istaraatiijiyada Sahnuuniaydda ee Misgav.

Ruth waxay sheegtay in Masar ay heshiis nabadeeda la gashay Israel, waxaana ka go’an in ay xiriir ganacsi iyo iskaashi la lahaato Mareykanka, dhinaca kalena waxay dadweynaha Masar ka buuxineysaa fariimaha naceybka Israel.

Waxay kaloo sharaxday aragtida Masar, “dhismaha dowlad Falatiin leedahay waa tiir muhiim u ah heshiiska nabadda markii ay taas guuldareysatay waxay u ogolaatay dowladdii Mubaarak in ay ka horta xoojinta iskaashigii Israel ee dhinacyada ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska iyo meelo kale.

Warbaahinta Masar ayey ku eedeysay in ay isticmaalaan fariimo iyo sawir gacmeedyo muujinaya Yahuud naceyb.

Dhaliisheeda waxaa ka mid ah in Masar aysan ogoleyn in Israel ka soo muuqato warbaahintooda taas oo ka dhigeysa doodaha la xiriira Israel in ay dhacaan iyadoo qof Israeli ah uusan fadhin miiska.

Masar ma dooneyso in si kumeel gaar ah Falastiiniyiinta dalkeeda u dagaan iyagoo ka baqaya sida hore u dhacday in ugu dambeyn ay noqdaan dad rasmi u deggan.

Ruth waxay kaloo sheegtay laga bilaabo 2017-kii in xiriirka Masar iyo Xamaas uu fiicnaaday kaddib markii hoggaamiyayaasha Xamaas ay daabaceen nuqul cusub oo ka mid ah dastuurkooda kaas oo iska fogeeyay ururka Akhwaanul-muslimiin.

Waxay kaloo sheegtay in tanallo badan oo la helay ay muujinayaan in lagu dhisay go’aano meel sare ka soo baxay ama in indhaha laga dabooshay markii la qodayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker