Xildhibaano Ka Tirsan Somaliland Oo Si Adag Ugu Hanjabay Madaxweyne Farmaajo Hadii Uu Yimaado Hargeysa

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo xildhibaan Cadiraxmaan Cismaan Jaamac(Shaadh) oo kamid ah golaha guurtida maamulkaas,ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar),kaasoo ahaa in madaxweyne farmaajo diyaar u yahay in uu booqdo Hargeysa, haddii Somaliland ogolaato.

Labada xildhibaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wadajir ah u sheegay in ra’iisal wasaareΒ  ku xigeenka Soomaaliya uu yahay nin reer Somaliland ah oo u shaqa-tegay magaalada Muqdisho,islamarkaana aanuuΒ  hadalkiisu wax dhib ah ku hayn Somaliland,balse marnaba aan la aqbali Karin in Farmaajo Hargeysa yimaado isagoo xil iyo mas’uuliyad u haya Soomaaliya.

 

Xildhibaannadu waxay intaas raaciyeen in wadada keliya ee madaxweyne farmaajo Β ku tegi karo Somaliland,isagoo xilka haya ay tahay,in uu marka hore u aqoonsado dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo deris la’ah,haddii kalese ay tallaabo sharci ah ka qaadayaan,sida ay hadalka u dhigeen.

 

Dhinaca kale xildhinaabbadu waxay sheegeen in ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee ay hadalkiisa ka jawaabayeen,haddii uu isagu shakhsi ahaan Β Somaliland ku laabanayo cafis loo fidin doono,balse marka hore ay waajib ku tahay in uu ka tego mas’uuliyadda uu Soomaaliya ka hayo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker