Maxkamadda Racfaanka Soomaaliya oo denbi ku weysay masuuliyiin ku eedeysnaa musuqmaasuq

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maantay dib ugusoo celisay xorriyadooda laba Agaasime Agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsha kadib markii ay laashay dacwaddii musuqmaasuq ee loo haystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in aanay wax dembi ah ku helin Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradda, C/laahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, isagoo ku amray hay’adaha ay khusayso in la sii daayo oo xorriyadooda dib loogu celiyo.Dhanka kale Waxa ay Maxkamadda ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim oo maqane ah saddex sano oo xarig ah.

Raggan ayaa xabsiga ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii lagusoo eedeeyay in arrimo la xiriira musuq-maasuq ay ka sameeyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker