Mareykanka oo soo saaraya amarro culus oo dhanka socdaalka ah

Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu Talaadada soo saaro amaro culus oo lagu xakameynayo qulqulka soogalootiga sharci darrada ku soo gala Mareykanka.

Amarkan la qorsheeyey ayaa laamaha socdaalka awood dheeri ah u siinaya in ay si degdeg ah u tarxiilaan dadka seeragoyska ah, siiba kuwa ka soo tillaaba soohdinta dalkaasi la wadaago Meksiko, islamarkaana aan la tixgelin codsiyadooda magangelyo.

In ku dhow Lix milyan iyo Bar soogalooti ah ayaa la joojiyey iyagoo ka soo gudbaya xaduudda Mareykanka mudadii uu xilka hayey maamulka Biden, taas oo u nugleysey dacaayado lagu durayo karaankiisa, gaar ahaan xilligan oo uu olole ugu jiro dib u doorasho.

Migrant arrivals have plummeted this year, however, although experts believe the trend is not likely to be sustainable.

Telefishinka CBS oo BBC-da bahwadaag ku yihiin Mareuykanka ayaa wariyey madaxweyne Biden uu muddaba ka fikirayey adeegsiga sharciga 1952 kaas oo u ogolaanaya in uu xaddido nidaamka magalngelyada Mareykanka.

Sharcigan oo loo yaqaan 212(f), ayaa madaxweynaha Mareykanka siinaya awoodo u uku hakin karo shisheeyaha dalka soo galaya, haddii uu u arko in imaanshoodu uu halis ku yahay danaha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker