Zelensky ayaa ka digay hadii Trump guuleysto in uu joojinyo kaalmada Ukraine

Wargeyska Guardian ayaa daabacay wareysi gaar ah uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kaas oo ka digay hadii Donald Trump ku guuleysto madaxweynenimada Mareykanka in uu joojinayo taageerada militeri ee Ukraine la siiyo.

Trump ayaa sanadkii hore ballanqaaday hadii uu ka adkaado Joe Biden in uu jarayo taageerada militeri ee Ukraine, dagaalkana uu ku soo afjarayo 24 saac.

Dadka ka agdhow Trump ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay qorshe uu soo jeediyay oo lagu siinayo Ruushka gobolada bariga Ukraine iyo sidoo kale Crimea si dagaalka loo soo afjaryo.

Madaxweyne Zelensky wuxu ku adkeystsay in dalkiisa uusan aqbaleynin qorshe ceynkaas ah iyo in Ruushku ku qasbanaan in dalkiisa ka haro fakarka ah in ay ku biiraan mustaqbalka NATO.

2019-kii ayuu Trump weydiisay Zelensky inuu baaro dhaqdhaqaaqa Hunter Biden oo ah wiilka Biden. Waxaa la aamisan yahay sida xog si qarsoodi loo helay inuu ku hanjabay Trump inuu joojinayo gargaarka Mareykanka uu siiyo Ukraine hadii baarista aan lagu helin in Mr Hunuter uu xadgudub sameeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker