Mareykanka oo rejo ka muujiyey xabad joojin ka hirgasha Qasa

Dowladda Mareykanka ayaa rejo ka muujisay in Israa’iil aqbali doonto hindise xabadjoojin ka hirgasha marinkaQasa, sida laga soo xigtey mas’uul sare oo ka tirsan AqalkaCad ee looga arrimiyo dalkaas.

Xabadjoojintan oo Saddex waji ah ayaa hadii la isku raaco waxay ku billaabaneysa Lix todobaad oo la hakinayo dhammaan colaadaha, si loo suurtogeliyo in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan islamarkaana la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista la kala haysto.

Mudada lagu jiro wajiga koobaad ee xabadjoojinta ayaa lagu wadaa in labada dhinac ee dirirtu ka dhexayso yeeshaan wadahadallo toos ah oo looga arrinsanayo tillaabada xigta ee u baahan la qaado.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka ABC wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu ku han weyn yahay in haddii Xamaas laga helo, Israa’iil ay durbadiiba aqbali doonto hindisaha xabadjoojinta.

Hindisahan oo ka soo fulay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayey Falastiiniyiinta iyo Isra’il siyaabo kala duwan uga falcelceliyeen.

Ururka Xamaas oo laga shaki qabay sida uu u aqbalayo hindisaha Mareykanka ayaa niyad wanaag ka muujiyey in la gaaro xabadjoojin rasmi ah ay fure u noqon karto rumeynta himilooyinka ay hiigsanayaan.Taas beddelkeeda waxaa hindisaha mareykanka genefka ku dhuftay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo sheegay in aysan aqbalaneyn wax wax xabadjoojin ajh taniyo inta ay ka libkeenayaan hadafkooda.

Madaxweyne Biden oo cadaadis kala kulmaya dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa isku dayaya in uu xal u helo mashaqada ka taagan marinka Qasa, kaas oo haddii uusan xal deg-deg ah u keenin salfan kara kursigiisa – maadaama uu dabyaaqada sannadkan u ballanan yahay doorasho aad loogu loollami doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker