Maldives oo dalkeeda ka mamnuucday dadka wata Basaboorka Israel

Dowladda Maldives ayaa soo saartay amar ay dalkeeda uga mamnuuceyso inaanan lagu iman karin Basaboorka Israel, taas oo jawaab u ah dhiigga ay Israel ku daadineyso Marinka Gaza.

Dowladda Maldives ayaa sheegtay in Israeliyiinta haysta Basaboorka Israel aysan soo booqan karin Jasiiradaha Badweynta Hindiya ee caanka ku ah xeebaha ciidda cad iyo meelaha lagu raaxeysto ee dalkaasi, iyadoo laga falcelinayo carrada dadweynaha Muslimiinta u badan dalkaasi ee la xiriirta dembiyada ka dhacaya dhulka Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Mohamed Muizzu ayaa go’aansaday in dalka laga mamnuuco dadka wata Basaboorka Israel, inkastoo aysan Madaxtooyadu si sax ah u sheegin goorta uu dhaqangelayo sharcigaasi.

Madaxweyne Muizzu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay lacag uruurin heer qaran ah oo loo sameynayo shacabka Falastiiniyiinta, si wax looga qabto dhibaatada nololeed ee haysata.

Maldives ayaa caan ku ah dalxiiska, waana dal ay aad u booqdaan dadka reer Israel. Sanadkii ugu dambeeyay ayaa waxaa dalkaasi booqday kow iyo toban kun oo dadka reer Israel ah, tani oo ka dhigan 0.6 boqolkiiba wadarta guud ee dalxiiseyaasha caalamka oo dhan ee soo booqday dalka.

Xogta diiwaanka dalxiiseyaasha ayaa muujineysa in tiradan aysan qayb ka ahayn dadka Yahuudda ah ee haysta basaboorada kale ee dalalka shisheeye.

Dowladaha caalamka ayaa waxaa muuqaneysa inay ka soo horjeedsanayaan Israel, isla-markaana ay tahay dowlad go’doon ah.

Muuqaalka Israel ee caalamka ayaa sii xumaanayay, tan iyo markii ay bilowday weerarada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, oo dad fara-badan ay ku dhimanayaan.

Ciidamada Israel ayaa illaa iyo hadda Marinka Gaza ku dilay dad tiradooda lagu sheegay 36,439 qof, 82,627 kalena ay dhaawaceen, muddada sideedda bilood ah ee dagaalka uu socdo. Dhammaan dadkan ayaa ah dad rayid ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Gumaadkan ay Israel sida aan kala sooca lahayn ugu bartilmaameedsaneyso shacabka aan waxba galabsan ayaa dhabaha u xaartay in dalalka reer Yurub qaarkood ay si aan looga baran uga horyimaadaan maamulka ka dhisan Bariga Dhexe.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan ayaa 20-kii bishii hore ee May dalbaday in la soo xiro Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca, Yoav Gallant, sababo ku aaddan dembiyada ay ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka oo ka jawaabaya cadaadiska ka haysta gudaha ayaa isku dayaya in ay gacmaha qabtaan Raysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirada ku jiidaya in la sii wado dhiiggan ay gacmaha kula jiraan.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa 24-kii bishii May soo saartay amar ay Israel ku fareyso inay soo afjarto weerarka ballaaran ee ay horaantii bishaasi ka bilowday deegaanka ku yaala cirifka koonfureed Marinka Gaza ee Rafah, walow ay Israel sheegtay inuusan go’aankaasi khuseynin, isla-markaana ay sii wadi doonto dagaalka ay sheegtay inay ku burburinayaan Ururka Xamaas.

Dalalka Midowga Yurub oo Spain ay hormuud u tahay ayaa karkarinaya, sidii ay u soo saari lahaayeen go’aan mideysan oo lagu cunaqabateynayo Israel, si loogu ciqaabo kororka dembiyadeeda iyo ku xadgudubkeeda aan dhammaadka lahayn ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah.

Israel ayaa billihii uu dambeeyay wajaheysay culeys siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni, ka dib carro xoog leh oo ka dhalatay dilka iyo gaajeysiinta ay ku hayso dadka reer Gaza.

Israel ayaa dareensan in uu kordhayo kacdoonka caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo habdhaqankeeda guracan ee ay muddada dheer ku ciqaabeysay shacabka Falastiiniyiinta ee dhulkoodii la boobay, lagana hortaagan yahay wixii ay xaq iyo xuquuqba u lahaayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker