Kenya oo sagootisey xujeydii ugu horreysey

Illaa 300 oo xaaji ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport ee magaalada Nairobi, iyagoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka ee Boqortooyada Sacuudi Careebiya, si ay u soo gutaan waajibaadka xajka.

Xujeydan ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyey madax ka socotey dowladda Kenya oo uu horkacayey Wasiirka Gaashaandhigga, Aaden Barre Ducaale oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya.

Sida qorshuhu yahay Kenya waxaa sannadkan ka xajinaya 3,300 oo xaaji, ku waas oo hormo hormo u ambabaxaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker