Mareykanka iyo Ingiriiska oo duqeeyay fariisimo ay leeyihiinta Xuutiyiinta Yemen

Ciidamada qalabka sida ee Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla dalka Yemen, iyagoo uga aargoosanaya weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta ku qaaday maraakiib marayay badda cas.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay duqeeyeen saddex iyo toban bartilmaameed oo ku yaalla deegaannada ay Xuutiyiinta maamulaan, ayna soo rideen 8 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah.

Telefishinka Xuutiyiinta Al Masirah ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen ( toban kalena ay ku dhaawacmeen) weerar ay ku qaadeen dhismo raadiye oo ku yaalla magaalada Xudeydah.

Bilihii la soo dhaafay Xuutiyiinta ayaa weerar ku qaaday maraakiibta caalamiga ah ee mara badda cas, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker