Xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay hay’adda NISA

Ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA , kuwaas oo iska soo dhiibay magaalada Baydhabo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

“Xubnahaan ayaa sheegay inay ku dhuumaaleysa jireen Gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen dhibaatooyinka Khaawarijta ku wajaheysta duurka, waxayna saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Magacyada xubnahan ayaa lagu sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Xarunta qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha xagjirka ah ee Tubsan sannadkii hore bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan dadka ka tirsan kooxaha xagjiriinta ah ay u furan tahay inay ka faa’iidaystaan Xeerka Cafiska Dadka isku soo dhiibaya Dowlada.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore cusboonaysiisay baaqa ay u jeedinayso xubnaha ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii horey loogu sameeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker