Soomaaliya iyo Mareykanka oo kaalinta hore ka galay dalalka fuliya xukunnada dilka ah

Hay’adda Amnesty International ayaa Arbacadii sheegtay in xukunnada dilka ah ee adduunka oo dhan ay sare u kaceen sanadka 2023-kii, isla markaana oo ay gaarayaan tiradii ugu badneyd muddo ku dhow toban sano ah, iyadoo sare u kac weyn uu ka jiro dalalka Bariga Dhexe.

Inta la ogyahay 1,153 oo dil toogasho ah ayaa la fuliyay sannadkii hore, kuwaas oo ahaa kuwii ugu badnaa ee laga diiwaan geliyo Guddiga Xuquuqda Adduunka tan iyo sannadkii 2015, iyada oo tiradanina ay korortay in ka badan 30 boqolkiiba marka loo eego 2022.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana tirada waddamada dilalka fuliya ay noqdeen kuwii ugu yaraa abid, sida ay sheegtay hay’adda fadhigeedu yahay UK.

Tirooyinkan kuma jiraan “kumanaan qof” oo la sheegay in lagu toogtay Shiinaha, iyo sidoo kale xukunno kale oo la rumeysan yahay in lagu fuliyay Waqooyiga Kuuriya iyo Vietnam, halkaas oo aan laga heyn xog ku filan.

“Waddamada ugu yar ee la diiwaan geliyey ayaa fuliyay tiradii ugu badneyd ee dil ee la ogyahay muddo ku dhow toban sano ah,” ayay Amnesty International ku tiri warbixinteeda sanadlaha ah ee mawduucan.

Waxa ay arrintan ku sababeeysay kororka “argagax leh” ee xukunnada dilka ah ee ka dhaca Iran, halkaasoo tirooyinka ay kor u kaceen ku dhawaad 50 boqolkiiba sannadkii hore.

Agnes Callamard, oo ah madaxa halwgallad caalamka ee Amnesty International, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Iran ay “xoojiyeen xukunada dilka ah ee dambiyada la xiriira daroogada”, iyadoo ciqaabtu ay si aan u dhigmin u saameyneyso bulshooyinka la takooro.

Shiinaha, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ah afarta waddan ee kale ee sanadkii hore laga fuliyay xukunnadii ugu badanaa.

Dalka Mareykanka, waxaa sare u kacay xukunada dilka ah sanadkii labaad oo xiriir ah. Sannadkii 2022 waxaa la dilay 18 maxbuus hadlka 2023 la dilay ilaa 24.

Shan gobol ayaa fuliyay xukunka dilka ah, kuwaas oo dhamaantood loo adeegsaday cirbadda lagu dhinto.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in boqolkiiba 20 ay kordheen tirada xukunnada dilka ah ee laga diiwaangeliyay adduunka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, tirooyinkan ayaa muujiyay in 16 waddan oo kaliya ay diwaan galiyeen xukunno dil ah, taasoo ah mid aad u hooseysa abid.

Pakistan waxay meesha ka saartay xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumi jiray dambiyada la xiriira daroogada, Malaysia waxay meesha ka saartay ciqaabta dilka ah ee qasabka ah ee dambiyada kala duwan.

 

AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker