Israel oo sheegtay in muddada ka harsan sanadkan uu sii socon doono dagaalka Gaza

Maamulka Israel ayaa u muuqdo mid haadaan ka tuuraya rajada ay dadka qaarkii ka qabaan in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Marinka Gaza.

La taliyaha Amniga Qaranka Israel, Tzachi Hanegbi ayaa sheegay inay filayaan in dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas ee ka socda dhulka go’doonsan uu sii socon doono toddobada bilood ee ka harsan sanadkan 2024.

“Waxaan filaynaa in aan haysano toddobo bilood oo kale oo dagaal ah, si aan u xaqiijino guusheenna ah burburinta Xamaas iyo wiiqitaanka awooddooda ciidan.” Ayuu yiri La taliyaha Amniga ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Ninkan oo wareysi siiyay Radiyaha Ciidamada Israel ee KAN ayaa sheegay in Israel ay ka go’an tahay inay soo afjarto jiritaanka Maamulka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

“Si aan u xaqiijino hadafkayaga ah in Xamaas la burburiyo siyaasad ahaan iyo militari ahaanba, dagaalku waa uu sii socon doonnaa. Burburintana kama marna in iyana la burburiyo Islamic Jihaad.” Ayuu yiri Tzachi Hanegbi.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidanka Difaaca Israel waxay hadda la wareegeen boqolkiiba shan iyo toddobaatan (75%) aagga difaaca ee xuduudda Marinka Gaza iyo Masar ee Philadelphi Corridor.”

Waxa uu sheegay in la wareegitaanka ciidamadooda ee Philadelphi Corridor ama Waddada Philadelphi ay muhiim u tahay xaqiijinta inaanan wax hub ahi Xamaas looga soo dusin dhanka Masar.

“Annagoo kaashanayna saaxiibadeenna Masaarida waa inaan xaqiijinaa in hubka laga soo tahriibiyo Masar laga ilaaliyo Gaza.” Ayuu yiri Hanegbi oo si dhow loola xiriiriyo Netanyahu.

Tel Aviv ayaa u muuqato mid aan wax dheg jalaq ahi u siineyn amarka ka soo baxay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ee lagu faray inay soo afjarto weerarka ballaaran ee ay ku hayso deegaanka Rafah ee Marinka Gaza. Rafah ayaa ku taala jiidda koonfureed ee xadka Marinka Gaza uu la wadaago dalkaasi Masar.

Hadalka Hanegbi ayaa walaaca ku kordhinaya dad badan oo ku nool Israel, oo ay ku jiraan waalidiinta, ehelada iyo saaxiibada Ciidamada Israel ee ka dagaalama Marinka Gaza ee ka walaacsan masiirka askarta. Sidoo kale warkan ayaa ka sii carreysiinaya qoysaska iyo ehelada ee dadka Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza ee Tel Aviv ku cadaadinaya in ay Xamaas la gasho heshiis horseedaya in si nabdoon guryahooda dib loogu soo celiyo xubnaha qoysaskooda.

Tani ayaa imanaysa, iyadoo Mareykanka uu Madaxda Israel culeys ku saarayo in ay la yimaadaan istiraatiijiyad dagaal iyo aragti lagu qanci karo dagaalka ka dib, waxa uu ku dambayn doono masiirka Marinka Gaza amaba cidda iyaga ka madaxabannaan ee maamuli doonta dhulka Falastiiniyiinta, haddiiba ay dhacdo in meesha laga saaro Xamaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho ku jooga Moldova ayaa Israel uga digay fowdo, haddii aysan si cad u qeexin qorshaheeda dagaal ee Gaza.

Wasiirka ayaa sheegay in Israel looga baahan yahay in ay dejiso qorshe dagaal, sida ugu dhakhsaha badan, haddii ay dooneyso sida uu sheegay inay ka adkaato Xamaas.

“Waxaan u malaynayaa in tani ay hoosta ka xariiqeyso, sida aan looga maarmi karin qorshaha maalinta xigta ee dagaalka uu dhammaado, haddii kale Xamaas ayaa loo deyn doonnaa maamulka, taasna waa mid aan la aqbali karin ama waxay keeni doontaa fowdo, kala dambeen la’aan iyo meel aan maamul lahayn.” Ayuu yiri Blinken.

Ciidamada Israel oo Talaadadii gudaha u galay bartamaha Rafah ayaa la sheegaya in ay dib ugu laabteen bariga Rafah, oo weerarkoodaasi ay ka soo qaadeen.

Ciidamada Israel ayaa 7-dii bishan la wareegay bariga Rafah, waxayna iska caabin kala kulmayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, inkastoo duqaymaha baahsan ee ay halkaasi ka wadaan ay ku dhinteen dad fara-badan, ayna ku barakaceen hal milyan oo qof.

Rafah oo billihii ugu dambeeyay loo tixgelinayay aag bani’aadantimo ayaa waxaa hoy ka sameystay 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo horey si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker