Saddax askari oo Israel ah ayaa lagu dilay magaalada Rafax

Ciidamada Israel ayaa sheegtay in saddax askari oo ka tirsanaa guutada Nahal lagu dilay dagaal ka dhacay daanta gabeed ee Gaza. Askarta Israel kaga dhimatay ilaa markii uu dagaalka bilowday ayaa ah 639 iyo 290 oo ku dhimatay markii uu bilowday howlgalka dhulka.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in saddaxda askari ay ku dhinteen qarax ka dhacay dhismo ku yaal Rafax. Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in sidoo kale sarkaal iyo labo askari ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa.

Goobjoogo ayaa sheegay in tobaneeyo ay ku dhinteen kuna dhawacmeen weerarka diyaaradaha ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Al-Mawasi ee galbeedka magaalada.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dhammaan isbitaalada waaweyn iyo xarumaha caafimaadka Rafax aysan shaqeyneynin.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay aqalka cad, John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanka uusan aaminsaneyn in Isreal ay qaaday duullaan buuxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker