Putin oo mar kale digniin adag u diray Reer Galbeedka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay reer galbeedka Talaadadii in xubnaha NATO ee Yurub ay ku ciyaarayaan dab, haddii ay Ukraine u oggolaadaan inay isticmaasho hubka reer galbeedka si ay u weerarto Ruushka, taas oo uu sheegay inay horseedi karto isku dhac caalami ah.

In ka badan laba sano oo uu socday dagaalkii ugu dhiig daadinta badnaa Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, Putin waxa uu si isa soo taraysa uga hadlay halista isku dhac caalami ah oo aad u balaaran, iyadoo reer galbeedku ay la tacaalayaan waxa ay ka yeelayaan guulaha ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa u sheegay jariidadda The Economist in tani ay furayso bog cusub oo ah u tahay in xubnaha NATO ay u oggolaadaan Ukraine inay Ruushka ku garaacdo hubka reer galbeedka, aragtidaas oo uu ku sheegay inay aamin san yihiin xubno NATO ah, laakiin aan taageero ka heysan Mareykanka.

“Xaalad kacitaanka joogtada ah waxay keeni kartaa cawaaqib xumo,” ayuu Putin ugu sheegay suxufiyiinta magaalada Tashkent ee waddanka Uzbakistan, isaga oo raaciyay “Haddii cawaaqib xumadan halista ah ay ka dhacaan Yurub, sidee buu Maraykanku u dhaqmayaa, annaga oo maskaxda ku hayna sinnaantayada hubka istiraatiijiga ah?”

“Way adag tahay in la yiraahdo – ma waxay rabaan colaad caalami ah?” ayuu Putin yiri.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine 2022 ayaa horseeday burburkii ugu xumaa ee xiriirka reer Galbeedka iyo Ruushka muddo 60 sano ah, waxaana xiisadda cirka isku sii shareereysaa sida ay dublumaasiyiintu sheegeen inay tahay heerkii ugu halista badnaa.

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker