Nicki Minaj oo raalli gelin bixisay kadib markii la xiray

Nicki Minaj ayaa raali galin siisay taageerayaasheeda kadib markii ay dib u dhigtay bandhig faneed lagu qaban lahaa magaalada Manchester kadib markii lagu xiray dalka Holland.

Fanaanada, oo 41 jir ah, ayaa lagu waday bandhigga ku qabato garoonka Co-op ee magaalada Sabtidii, laakiin waxay noqotay inay joojiso daqiiqaddii ugu dambeysay kadib markii lagu qabtay tuhun ah inay dhoofinayso daroogo.

Waxaa lagu ganaaxay (£300; $380) waxaana loo oggolaaday inay safarkeeda sii wadato.

Iyadoo ku dhowaaqday inay hadda ku qaban doonto garoonka Manchester Isniinta soo socota, ayay soo dhigtay baraha bulshada qoraal kooban: “Waan ka cudur daaranayaa dhammaan dhibka ay arrintani keentay, run ahaantii waxaan rajeynayaa inaad kasoo qayb gashaan bandhigga 3-da Juun, runtii wuxuu noqon doonaa mid cajiib ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker