Maamul Goboleedka Puntland oo La daalaa dhacaya Baadhitaanka Dilkii Loo gaystay Paul Anthonio Farmosa
Garoowe (OWN) โWar-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa mar kale waxaa ay ku celisay in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la Xidhiidhiyay qaraxiiย 11-kii bishii May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso.
Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa Maamulka Puntland ย waxaa uu Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya ย ka dalbaday in ay baadhitaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la Xidhiidhinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baadhiaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.
Caasim