Taangiyada Israel ayaa la wareegay bartamaha magaalada Rafax

Goobjoogayaal iyo wariyayaal jooga Rafax ayaa sheegay in taangiyada Israel ay la wareegeen isgoyska goobaabinta al-Cawda oo ku yaal bartamaha magaalada.

Al-cawda waa meel caan ah oo ku yaaleen bangiyada waayen, hay’adaha dowladda, ganacsiyo iyo dukaamo.

Goobtaas ay Israel la wareegeen waxay u jirtaa nus kiilomitir xadka Falastiin iyo Masar ee dhanka koonfureed.

Goobjooge isaga iyo qoyskiisa galay isbitaalka Imaraati oo ku yaal dhinaca galbed ayaa sheegay in ciidamada ay galeen qeybta sare ee dhismaha kaddibna ay bilaabeen in ay toogtaan cid kasta oo dhaqaaqeysa.

Ku dhawaad hal milyan ayaa u qaxay Rafax saddaxdii toddobaad ee u dambeysay sida ay sheegtay hay’adad Qaramada Midoobay ee qaxootiga Falastiin UNRWA.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker