Rajada laga qabo in dad badbaadaan ayaa sii yaraaneysa Papua New Guinea

Madaxda dalka Papua New Guinea ayaa sheegay in ku dhawaad 7,900 oo ku noolaa meelaha u dhow halka ciidda soo duntay ay khatar ugu jiraan dhagxaan iyo ciid kale oo weli ka soo daadaneysa dhulka sareeya.

Muuqaal la duubay xilli maalin ah ayaa muujinaya dhagxaan weli ka soo dhaceysa buurta.

Dadka ayaa loo sheegay in la daadgureynayo iyadoo sarkaal gobolka ka tirasn uu sheegay in buurta ay weli jilicsan tahay.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa sheegaya in aysan suuragal aheyn in burburka laga helo dad weli nool.

Hay’adda maareynta musiibooyinka dalka ayaa sheegtay in ay ka cabsiqabaan in labo kun oo qof ay ku hoos jiraan burburka. Tiradan ayaa ka badan qiyaastii Qaramada Midoobay ee aheyd 670.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay adag tahay in la sheego tirada rasmiga ee geeriyootay maadama ay adag tahay in la gaaro dhulka soo dumay.

Dadka ayaa adeegsanaya badiill, ulo iyo gacmahooda si ay u qaadaan dhagxaanta waa weyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker