Israel oo cambaareyn xoog leh kala kulantay dunida

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa si kulul u cambaareynaya weerarkii xagga cirka ee ay Israel habeenkii Axadda ka gaysatay xerada dadka barakayaasha ay deganaayeen ee ku taala deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay bartilmaameedsadeen xerada xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafah.

Dowladaha gobolka, sida Masar, Qatar, Sacuudiga, Emirate-ka Carabta iyo Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay Rafah, oo uga sii dari kara xaaladda adag ee ka jirta Bariga Dhexe.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in kororka dhacdooyinka naxdinta leh ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ay caqabad ku noqon karaan dadaalada wada hadalada nabadda ee Xamaas iyo Israel.

Masar oo ah dalka labaad ee muhiimka u ah wada hadalada dhinacyada ayaa duqayntan ku tilmaamtay mid si ula kac oo Israel ay ugu gaysatay teendhooyinka dadka barakacayaasha. Qaahira waxay warsaxaafadeed ku sheegtay in falkani uu yahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in xasuuqan uu mar kale marada ka feeday wejiga dhiigyo cabnimada iyo qiyaanada ku dhisan ee dowladda argagixisada ah ee Israel, sida uu yiri.

Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa dhacdada ku tilmaamay xasuuq fool xun, oo Israel ay ugu talagashay inay ku dhibaateyso dadka aan waxba galabsan.

Dhanka kale Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo cambaareeyay falkaasi foosha xun ayaa sheegay in uu aad uga carooday weerarkan ugu dambeeyay ay Israel ka gaysatay Rafah.

“Hawlgaladani waa in ay Israel joojiso. Ma jiraan meelo ammaan ah oo Rafah ah, oo loogu talagalay dadka rayidka ah ee Falastiin. Dhowr kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Paris, si ay uga mudaaharaadaan duulaanka Gaza.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell oo sidoo kale cambaareeyay weerarkaasi ayaa sheegay in Israel ay waajib ku tahay inay aqbasho xukunka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ee loogu sheegay inay joojiso hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Rafah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa iyaduna sheegtay inay tahay in Israel ay ixtiraamto go’aanka Maxkamadda ICJ.

“Sharciga bani’aadantinimada ee caalamiga ah wuxuu khuseeyaa dalalka oo dhan iyo sidoo kale habdhaqanka Israel ee dagaalka.” Ayay tiri Annalena Baerbock.

Dowladda Canada oo cambaareysay duqaynta argagaxa leh ee Rafah ayaa sheegtay inaysan taageersaneyn hawlgalka militari ee ay Israel ka waddo Rafah, waxayna adkeysay in Israel ay soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza.

“Dowladda Canada ma taageereyso hawlgalka militari Israel ee Rafah, waana inay Israel joojisaa duulaankeeda Marinka Gaza.” Ayay tiri Melanie Joly, Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada oo intaasi ku dartay “Heerkan dhibaatada aadanaha waa in la soo afjaraa.”

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa baaraya, haddii Israel ay ka gudubtay khadka cas ee shuruucda caalamiga ah iyo haddii kaleba, sida ay ku warantay Shabakadda Wararka Axios.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel ayaa horey uga digay Tel Aviv inay weerar ballaaran ku qaaddo Rafah.

Sami Abu Zuhri oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa Mareykanka ku eedeeyay masuuliyadda wixii ka dhacay xerada barakacayaasha ee galbeedka Rafah, haddii uu Israel siiyo taageero militari iyo mid maaliyadeedba.

Inkastoo ay isa soo tareyso cambaareynta caalamiga ah ee loo jeedinayo Israel, haddana Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarka aanu ahayn mid la qorsheeyay in lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in ay horey Rafah uga daadgureeyeen illaa hal milyan oo qof, isla-markaana ay xil iska saareen inaanan la beegsan dadka barakacayaasha ah.

“Inkastoo aan ku dadaalnay inaan la dhibaateyn dadka aan dagaalka ku jirin, nasiib-darro waxaa dhacday arrin aad u xun.” Ayuu yiri Netanyahu oo Isniintii khudbad ka jeediyay Baarlamaanka.

Taliska Militariga Israel ayaa dhinaca kale sheegay in ay baarayaan is rasaaseynta ciidamadooda iyo kuwa Masar ee shalay ku dhex martay xadka Masar iyo Marinka Gaza.

Afhayeen u hadlay Militariga Masar ayaa sidoo kale sheegay in toogashada ka dhacday meel u dhow Isgoyska Rafah ay sababtay dhimashada mid ka mid ah askartooda ku sugan xuduudda, taliskuna uu baarayo dhacdadaasi.

Dadka rayidka ah ee ay Ciidamada Israel ku dileen Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 7-dii bishii October ayay tiradoodu gaartay 36,050 qof, halka tirada dhaawacana ay sii caga-caganeyso 81,026 qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker