Kuwait oo ku eedeysay Israel in ay galeyso xasuuq iyo dambiyo dagaal

Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait oo ku eedeysay Israel in ay galeyso dambiyo dagaal oo cad.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa dhaleeceysay duqeynta Israel xero barakacayaal oo ku taal Rafax halkaas oo dadka ay deegaan ka dhigteen kaddib markii Israel ay u asteysay in ay tahay goob bani’aadannimo.

“Waxa ay Israel ku sameyneyso Falastiiniyiinta aan is difaaci karin waxay si cad u muujineysaa in iyadoo adduunka oo dhan wada arkayo ay xasuuq aan hore loo arag iyo dambiyo dagaal oo cad ay geysaneyso” ayey tiri wasaaradda.

Kuwait ayaa bulshada caalamka ugu baaqday in ay degdeg u soo farageliyaan. Sidoo kale wasaaradda waxay ugu baaqday addunka in ay go’aan ka garaan in Israel ay raacdo dhammaan sharuucda iyo xeerarka caalamiga gaar go’aankii maxkamadda caalamiga ICC ee ahaa in ay joojiso beegsiga magaalada Rafax iyo in ay ilaaliso dadka Falastiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker