Israa’iil oo ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Koonfurta Qasa

Millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan weerar cirka ah oo ka dhacay meel u dhow Rafax oo ah koonfurta Gaza, kaasoo saraakiisha Falastiiniyiinta ay sheegeen in ay ku dileen tobanaan qof xero qaxooti.

Israa’iil ayaa sheegtay in weerarka ay la beegsatay xarun ay ku sugnaayeen ururka Xamaas ayna ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan ururkaasi.

Balse waxa ay sheegtay in ay ka war hayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.

Madaxtooyada Falastiin ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ku tilmaantay bareer waxayna Israa’iil ku eedaysay inay si ula kac ah u bartilmaameedsatay teendhooyinka dadka barakacayaasha ah.

Axadii, Xamaas waxay 8 gantaal ka soo tuurtay Rafax oo ku dhacday dhulka Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker