Xoogaga Falastiiniyiinta oo gacanta ku dhigay askar ka tirsan Ciidamada Israel

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa gacanta ku dhigay askar ka tirsan Ciidamada Israel ee gudaha ugu jira Marinka Gaza.

Askarta maxaabiis ahaanta loo qabsaday oo aan tiradooda la sheegin ayay wararku sheegayaan in Xoogaga Ururka Xamaas ay gelinkii dambe ee Sabtidii ku qabteen deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa saqdii dhexe ee xalay sheegay in xoogagooda ay Ciidamada Israel dabin ugu dhigeen god dhulka hoostiisa ah.

“Dagaal-yahanadeenna waxaa u suurtagashay in Sabtidii ay hawlgal adag ka fuliyaan waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ay ku soo jiiteen Ciidamada Sahyuuniyadda mid ka mid ah godadka dhulka hoostiisa mara ee Jabalia.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa yiri “Markii Ciidamada Sahyuuniyadda ay ku soo dhaceen dabinkaasi ayaan ka dhignay wax la dilo, wax la dhaawaco iyo wax maxaabiis ahaan looga qabto.”

Afhayeenka ayaa sheegay in hawlgalka uu u dhacay, sidii ay ugu talagaleen, balse ma sheegin tirada askarta nool ee laga qabtay Ciidamada Israel ee labadii toddobaad ee ugu dambeysay hawlgalka ka waday xerada qaxootiga Jabalia.

Muuqaal ay baahisay Al Qassam ayaa waxaa ka soo muuqday nin lagu jiidayo godadka dhulka, kaas oo ay sheegeen in uu yahay askari ka tirsan Ciidamada Israel.

Muuqaalka ayaa sidoo kale laga arki karay hubka iyo qalabka ay istcimaalaan Ciidamada Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa qoraal lagu baahiyay barraha bulshada ku beeniyay in wax askar ahi looga qabtay dagaalka ka soconaya Jabalia.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa rumeysan in warka Abu Ubaida uu ka soo saaray dhacdadaasi ay xaqiiqda u dhowdahay, isla-markaana ay filayaan in Al Qassam ay soo bandhigto muuqaalka askarta ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii shalay galab ka dhacay Jabalia.

Waa markii ugu horreysay oo Xamaas ay sheegato in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis ka tirsan Ciidamada Israel, muddada uu dagaalku ka socdo Marinka Gaza.

Xoogaga Xamaas ayaa la xusuustaa in weerarkii October 7-deedii ay ku soo qafaasheen in ka badan 250 qof oo Israeliyiin ah, ayna ku jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Israel qaybahooda kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker