Xeebaha Galbeedka ee Africa Oo Noqday Meelaha Ugu Halista Badan Ee Maraakiibta Lagu Afduubto

Sanadkii dhamaaday Xeebta Galbeedka  ee Afrika ayaa laga Diiwaangeliyay inay 50% kordheen Afduubka Loo gaystay maraakiibta iyo Badmaaxayaasha marin biyoodkaas isticmaal marka la barbardhigo Sanadkii hore, sida laga soo xigtay Warbixn ay soo saartay Hayada maritime watchdog, waqti ay guud ahaan falalka Budhcad-badeednimadu ay Dunida oo dhan hoos udhaceen.

 

 

Tirada maraakiibta iyo badmaaxayaasha lagu Afduubay Galbeedka Afrika ayay sheegtay warbixintu inay dhan tahay 121 kiis sanadkii 2019, halka ay sanadkii 2018 ka diiwaangaliyeen 78 kiis oo budhcadbadeed wax qafaalatay ah.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in dhacdooyinka budhcad-badeednimadu hoos u dhaceen dunida sanadkii 2019 balse ay wali jiraan dhawr marin biyood oo halistoodu ay sarayso iyada oo carab-baabtay Gacanka Guinea.

 

 

Michael Howlett, oo ah Agaasimaha IMB oo Ka Walaacsan Korodhka  Amni Xumo ee Gacanbiyoodka Galbeedka Africa oo Tilmaamaya ayaa yidhi “Tirakoobyada isticmaalkeedu waxa uu soo Shaac-saaray ahmiyada ay leedahay is-Weydaarsiga macluumaadka la hayo iyo Xogaha laga Ururiyay meelaha khatarta laga soo sheegayo oo ay si toos ah isku waydaarsanayaan Maraakiibta iyo hayadaha badbaadadu, meesha ay halita ugu wayn ka jirto ee u baahan wax ka qabashaduna hada waa Gacanka Guinea.”

 

 

Korodhkan laga Diiwaangaliyay falalka budhcad badeednimada ah ee Galbeedka Africa ayaa waxa ay la micno tahay in 90% galbeedka Africa ay ka dhacaan afduubyada budhcad-badeedka ee badaha caalamka oo dhan.

 

Gacankan ayaa waxa la tilmaamaa marin-biyoodka ugu halista badan adduunka, waxana uu dhereren yahay inta u dhaxaysa xeebaha Angola ee dhinaca koonfurta ah ilaa xeebaha Senegal oo dacalka waqooyi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker