Ruushka oo ku dilay 12 qof duqeyn ka dhacday magaalada Kharkiv

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay 13 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamada Ruushka ay duqeeyeen dhismo dukaamo ku yaalaan magaalada Kharkive ee waqooyiga Ukraine.

Waxaa la arkayay qiiq iyo holac ka baxaya dukaamada oo ku yaal banaanka magaalada Kharkiv.

Madaxweynaha Ukraine,Volodymyr Zelensky, wuxuu sheegay in 200 oo qof ay ku jiri kareen gudaha xarunta dukaamada markii la weeraray. Wuxuu intaas ku daray “Duqeynta Kharkiv waxay cadeyn u tahay waalida Ruushka”.

Duqeyn kale oo ka dhacday bartamaha magaalada Kharkiv Sabtigii waxaa ku dhaawacmay sideed qof.

Weeraradan ayaa yimid iyadoo shirka wasiirada lacagta G7 ee ka dhacay Talyaaniga lagu taageeray fakarka ah in faa’idada laga helo hantida la xayiray ee Ruushka lagu maalgeliyo dagaalka Ukraine. Fakarka ayaa bisha dambe laga sii doodi doonaa. Ruushka waxay ku hanjabeen in ay aargoosanayaan.

Ruushka ayaa u muuqda in uu kalsooni ku qabo dagaalka, wuxuuna adeegsanayaa bambooyinka dhaqaaqa oo ah nooc Midowgii Soviet uu sameeyay. Waa kuwa jaban balse waxyeelo weyn geysta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker