Guutada Al-Qassam ayaa Israel ka qabsaday askar

Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in ay ku qabsadeen askar Israeliyiin ah waqooyiga Gaza balse ciidamada Israel ayaa beeniyay taas.

Afhayeenka guutada Al-Qassam oo ah garab militeri ee Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa ku dhawaaqay in askar cusub lagu qabsaday marinka Gaza.

Muuqaal fidiyoow ah oo laga soo duubay Abu Cubeyda ayuu ku sheegay in dagaalyahannada Al-Qassam ay ku qabsadeen askar Israeliyiin ah marinka Gaza.

“Mujaahidiinteenu waxaa u suuragashay in Jabal-Cali ay ku qabsadaan askarta”. Wuxuu intaa ku daray Afhayeenka in ciidamada la qabtay ay isugu jiraan kuwa geeriyooday, kuwa dhaawac ah iyo kuwa la qabtay.

Afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari, ayaaa bartiisa X ku beeniyay in askar la qabasaday. “Ma jiraan askar la qabsaday”.

Ciidamada Israel ayaa weli maanta duqeynaya Gaza iyo hareeraha magaalada Rafax. Shaqaalaha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen in dad ka badan 40 qof lagu dilay weeraradan oo ka dhacay qeybo kala duwan oo Gaza ka tirsan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker