Maxkamadda ICJ oo Isra’il ku amartay in ay joojiso duullaankeeda Rafax

Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Israโ€™il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Israโ€™il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax.

Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Isโ€™aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.

Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada, Nawaf Salaam sheegay in xaaladda dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunki ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Israโ€™iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada ka jirta Gaza.

“Dowladda Israel waa in ay (….) si deg deg ah u joojiso duullaanka millatari, iyo tallaabo kale oo kasta oo ay u qaaddo gobolka Rafax, taasoo ku sababi karta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza xaalado nololeed oo ku keeni kara burbur jireed guud ahaan iyo gaar ahaanba,” ayuu yiri Nawaf.

Inkasta oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ aysan laheyn awood ay ku fuliso xakunnadeeda, haddana kiiskan ayaa calaamad weyn u noqonaya goโ€™doominta caalamiga ah ee Israโ€™il ee ku aaddan dagaalka ay ku qaadday Gaza, gaar ahaan weerarka ay hadda ka waddo Rafax.

Mareykanka oo ah saaxibka ugu dhaw xulufada Israโ€™il ayaa horay dhowr jeed uga digay weerarka Rafax. Maamulka Biden ayaa sidoo kale horay ugu dhawaaqay inuu hakiyay shixnado hub ah oo loo daabuli lahaa Israโ€™il, kaas oo ay ku sababeeyeen in ay uga baqayaan in loo adeegsado rayidka Rafax.

Maxkamadda ICJ ayaa sidoo kale ku amartay Israโ€™il in ay furto marinka isku xiro Rafax iyo Masar, si gargaarka baniโ€™aadannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Israโ€™il ayaa xiray Marinka Rafax dhawaan.

Amarka Maxkamadda ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garoore u dhashay Ugana iyo garsoore kasoo jeeda Israโ€™il.

Israโ€™il si adag ayay uga hortimid goโ€™aanka maxkamadda, sidoo kalana been iyo wax lagu yaaq-yaaqsado ku tilmaantay eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Israโ€™il ay Gaza ka waddo xasuuq.

South Africa ayaase goโ€™aanka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiiniyiinta. Xamaas oo maamusha Gaza ayaa qeyb ahaan soo dhaweysay goโ€™aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yiraahdeen ay Israโ€™il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza.

 

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker