Madaxweyne Biden oo sheegay “Cid mideyn karta Afghanistan ma jirto”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jiraan sababo keenay in Afghaniostan loogu yeero “Xabaalihii boqortooyooyinka”.

Wuxuu sheegay in marka hore ay cid kasta aad ugu adag tahay in ay mideyso Afghanistan. Hadalkan ayuu ka sheegay shirkii jaraa’id ay wada qabteen isaga iyo madaxweynaha Kenya Williman Ruto.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan habab loo xakameyn karo ISIS oo aan aheyn in Afgahansitan la galo.

“Weerarkii Mareykanka ee Afghanistan muhiim ma aheyn” ayuu yiri madaxweyne Biden oo ka jawaabayay su’aal la weydiyay oo aheyd iyadoo Mareykanka ay joojinayaan ciidamada dibadda, maxay tahay sababta ay u weydiisanayaan in Kenya ay ciidamo u dirto Haiti.

Go’aanka madaxweyne Biden uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Afghansitan ayaa horseeday in ay degdeg u dhacdo dwoaladdii ay taageerayeen, aad ayaana taas loogu dhaliilay Mareykanka.

Mareykanka ayaa si rasmi ah u sheegay in 2,461 ay kaga dhinteen Afghanistan iyadoo ay kaga dhaawacmeen 20,744 oo askari 20kii sano ee dalka joogeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker