Madaxweynaha Dowladda Puntland , ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland, oo ay sanadka u fariisteen 21801 Arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Sarre ee Gobolada Puntland.
Madaxweynaha ayaa gacantiisa ugu qeybiyey waraaqaha u horeeyay ee Imtixaanka qaar ka mid ah ardayda Puntland, wuxuuna ugu duceeyay in Allaah u fududeeyo Imtixaanaadka, isagoo u rajeeyay dhammaantood mustaqbal wanaagsan.
Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Mudane Fu’aad Abshir Adeer iyo Bahda Waxbarashada Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker